Maskaxda Xoree

My blogs

About me

Introduction Waxaan ka xoroobay diin ku sheegta maxamad ee islaam. Halkaan waxaan ku soo bandhigayaa kala hadalka iyo is burinta aayadaha quraanka. Aniga waxaan rumeysanahay in ilaahey uu jiro oo ilaahey uu siiyay dadkiisa xoriyay dhameystiran inta ay aduunka ku nool yihiin. Ma aamin sani in uu ilaahey yahay sida maxamad noo sheegay oo ah in ilaahey uu qoray qofka noloshiisa waxa ay noqoneyso iyo wadaduu qaadan doono. Hadii uu ilaahay yahay sida maxamad sheegay waxaa la oron karaa ilaahey cadaalad maahan sababtoo ah ilaaha intuu masaakiin tabaryar oo bini aadan ah abuurto ka dibna gaalo ka dhiga kadibna caadaaba, ilaahaas ma ahan ilaah cadaalad ah oo naxariista. Ilaaha kaliya oon aamin sanahay waa ilaah cadaalad ah oo dadka ku xirin in ay diin qaataan oo xoriyad siiyay bini aadanka oo naxariiste dhameystiran ah oo dadka xumaan u hor seedin. ilaahaasna waa ilaaha kaliya ee jira. ilaahaasna ma leh diimo dadkiisa kala qeybiya sida islamka, christianka iyo yahuuda. ilaahey dadka ma adoonsado. waa ilaah sharaf badan oo cadaalad ah.